Ismaaciil Buubaa oo Qarxiyey Qorshe Dib Loogu Mideynayo Somaliland iyo Soomaaliya
Written by Qaran news
Nov 12, 2010 at 06:12 AM
"..Danta Somaliland waxay ku jirtaa inay ummadda Somaliyeed ka mid noqdaan oo weliba Hargeysi noqoto Magaalo-madaxda dalka ama Madaxwaynaha Soomaaliyeed yahay mid ka soo Jeedan Somaliland diyaar baa loo yahay..
"..Saaxiibkay Muuse Biixi Waxaan leeyahay malaha Weli Dagaalkii Maryo-aloolka iyo Fedaraalka ayaan si Fiican uga soo Bixin..''
"..Aad iyo aad baan u soo Dhoweynayaa (Safarka Cismaan Kaluun ku tegay Hargeysa), anniga Laftigaygu waan ku Socdaa.."
Md. Ismaaciil Hurre Buubaa
Hargeysa(Yool)-Siyaasiga weyn ee Caanka ah Md. Ismaaciil Hurre Buubaa, kana mida Xubnaha u dhashay Somaliland, balse aaminsan fikirka Somali-weyn, ayaa gef iyo meel-ka-dhaca ku tilmaamay in Cismaan Jaamac Cali (Kalluun) uu cafis u qaato Hargeysa, isla markaana ku eedeeyay dadka fikirkaa qaba inay yahiin qaar soo faqaya waxyaabo laga soo gudbay.
Md. Buubaa oo u waramayay Telefeeshinka HCBTV, ayaa ka waramay arimo badan oo Somaliland ku saabsan, kuwaasoo ay kamid yihiin safarkii Madaxwayne Siilaayo kutagay dalka Jabuuti, heshiiskii ka dhacay deegaanka Widh-Widh, fikirkiisa ku aadan in kooxaha Somaliya shirloogu qabato Gudaha Somaliland iyo in uu ku talo jiro safar uu ku tago Somaliland.
Ugu horayn Md. Ismaaciil, waxa uu ka waramay qadiyada ku saabsan madax-banaanida Somaliland iyo sida ay beesha caalamka uga heli karto, isagoo arintaa ka warmayana, waxa uu yidhi: " In lixdankii sidii lay sugu la ahaado iyo inla kala tago waa arin dadka Soomaliyeed u taala, Somaliland Ictiraaf keedu kuma xidhna cid dibadeed ee waa mid iyadu ay gacanteeda ku haysato, waa mid intay Soomaali isugu yeedho ku qancin karto in dantoodu sidaa ku jito, markaa maaha Ictiraaku in dabada laga raadiyo..."
Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu Md. Buubaa yidhi: "..Runtii dalka Jabuuti waa dal walaalaheen ah oo jaarkeena ah oo maanta dhisan markaa wax yaabaha lagama maar-maanka ah in ay u faa'iidayso Somaliland iyo Soomaalida kaleba waa lagama maar-maan in laga radiyo. Sidaas darteed, anniga waxay ila ahayd Somaliland in ay iyadu ku haboonayd siyaasadeeda oo qeexan inay u bandhito Soomaali iyo Carab-ba inay ka soo baxdo, waxa Dunida la ysku qiimeeyaa waa diblomaasiyda markaa waxa looga baahan yahay Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Dibada inay la yimaadan siyaasad qeexan oo Carab u cuntami karta oo cid walba u cuntami karta..."
Sidoo kale, waxa uu Md. Ismaaciil Hurre Buubaa ka hadlay socdaalka uu Somaliland ku joogo siyaasiga ay isku fikirka yihiin ee Cismaan Kalluun, kaasoo uu sheegay in aan xaq loogu lahayn in la weydiiyo cafis uu ku yimaado Soamliland, isla markaana haddii ay jirto cid aragtidaa qabtaa, waxa uu xusay inay yihiin dad doonaya inay dib u soo faqaan dhacdooyin hore oo laga gudbay.
"...Aad iyo aad baan u soo dhoweynayaa (Safarka Cismaan Kaluun ku tegay Hargeysa), anniga laftigaygu waan ku socdaa, laakiin hadal dadka qaarkood ka dhawaajiyeen oo ah Cismaan Jaamac muxuu fasax u qaadan waayay, waxa ay ilatahay arin aan meesha qaban. Saaxiibkay Muuse Biixi waxaan leeyahay malaha wali dagaalkii maryo aloolka iyo Fedaraalka ayaan si fiican uga soo bixin, xaq buu u leeyahay inuu tago (Hargeysa Cismaan Kaluun), anniguna xaq baan u leeyahay in aan tago (Somaliland), waxa weeyaan siyaasiyan fikir waad yeelan kartaa, laakiin danta ummada markay noqoto ama taariikh ahaan ama halgan ahaan cid ummadayada nooga wanaagsanyd may jirin, HAA danta Somaliland inay ku jirto in ummadda Somaliyeed ka mid noqdaan oo waliba hoggaamiyaan oo jaanisbaa jira ummadda Soomaliyeed diyaar u wada tahay haddii la doonayo in Hargeysi noqoto Magaalo Madaxda Somaliya diyaar loo yahay, haddii Madaxwaynaha Soomaaliyeed yahay mid ka soo jeedan Somaliland diyaar loo yahay oo haddii shalay Somaliland la duudsiyey maanta laga soo wada noqday, anniga (Ismaaciil Buubaa) waxay il atahay jaanis aad iyo aad u weyn baa jira.." ayuu yidhi Md. Buubaa.
Waxa kaloo, Md. Buubaa uu carabka ku dhiftay caga-jugleynta iyo cabudhinta Xukuumada cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Saxaafadda madaxabannaan, taasoo uu ku tilmaamay iany tahya mid dumin karta Xukuumada haddii ay ku sii socoto, waxaanu yidhi: "...Walaahi annigu talada aan arintaa uga soo jeedin lahaa Xukuumada cusub waxa weeyaan Saxaafada ninkii cabudhiyaa isagaa is cabudhiyey, haddii la dhibaateeyo Saxaafaddana dawladaas dhibaatadeeda ayaa bilaabamaysa markaa waxaan odhan lahaa haddii ay jirto waa in si weyn wax looga qabtaa. Saxaafadda xorta ahna waxaan odhan lahaa waxa jirta masuuliyada Saxaafadda xorta ah looga baahan yahay oo ay wixii jira ummada u soo bandhigto, waayo wadanka horuumarkiisa qiyaaasta laga qaadanayaa waxay tahay Saxaafadda, fikradaha kala duwan ee wadanka gudihiisa jirta iyadoo si ummada dhisaysa loo wada jeedinayo ay noqoto in Saxaafadda xorta ahi soo bandhigto.."
Md. Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka hadlayey hindisihiisa ku aadan inuu damacsan yahay inuu tago Somaliland, waxa uu sheegay inuu ku talo jiro inuu tago Hargeysa, isla markaana aanay jirin wax ka hortaagan oo u diiday inuu tago Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlayna waxa uu yidhi: "..Su'aashaa dhawr jeer baa la iweydiiyey HAA waan tegayaa Somaliland, waxaanan tegi doonaa waqtiga hawlaha aan wadaa ii dhamaadaan, iyadoo ay sidaa tahay anniga waxay ila tahya inay meel ka dhaca inay tahay in Cismaan Jaamac la yidhaahdo cafis soo weydiiso, garan mayo cafiska iyo dadkani waxa ay ka hadlayaan, laakiin waxaad moodaa in dadka qaarkii arrimo la soo dhaafay inay ka guuxayaan, kuwaasi-na way dhammaadeen qof Somaliland u dhashay ee imanaya fikirkiisa siyaasadeed xor buu u yahay Somaliland-na cidi igama xigto, cid aan uga baahanay inaan fasax uga qaataa in aan Hargeysa tagana ma jirto.."
Ugu danbayntii Md. Buubaa waxa uu aad ugu boogaadiyey Xukuumada cusub gogosha nabadeed ee ay u fidisay dadka ku dhaqan deegaanada bariga, gaar ahaan heshiiskii ka dhacay Widh-widh oo uu ku tilmaamay mid waxtar weyn u leh Somaliland jiritaankeeda.
Yool