Skyscraper City Forum banner
1 - 2 of 2 Posts

·
Registered
Joined
·
967 Posts
Discussion Starter · #1 ·
http://radiomuqdisho.net/wasiirka-w...igay-jaamacad-cusub-oo-muqdisho-laga-dhisayo/

Wasiirka Waxbarashada Oo Maanta Dhagax Dhigay Jaamacad Cusub Oo Muqdisho Laga disayo

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha jaamacad cusub oo laga hirgelinayo magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax dhigga Jaamacadan cusub ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socota dowladda Turkiga oo hogaaminayey Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin ka kala socota hay’adaha samafalka,iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.

Dhismaha Jaamacadaan oo lagu magacaabo Horseed islamarkaana noqon doonta Jaamacad dhinaca caafimaadka lagu barto ayaa dhismaheeda laga bilaabay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxaana maalgelinaya dhismaha jaamacadan hay’ad fadhigeedu yahay dalka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Prof Axmed Ceydiid Ibraahim oo ka hadlay munaasabadda jaamacadan cusub lagu dhagax dhigayey dhismaheeda ayaa sheegay in tani ay tahay fursad usoo hooyatay shacbiga Soomaaliyeed waxaana uu sidoo kale xusay in jaamacadani ay wax ku baran karaan sida qorshuhu yahay 2,000(Laba Kun) oo arday.

Mudooyinkan waxaa si aad ah usoo kordhayey horumarrada ka jira gudaha dalka ayadoo tanina ay qeyb ka tahay hormarka dhanka Waxbarashada ah ee uu dalku ku talaabsanayo.
 
1 - 2 of 2 Posts
Top